“Kooxda waxay faa’iido ku qabi doontaa bixitaanka Ronaldo!” – Halyeey Man United ah

0
206

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeyga Manchester United ee Teddy Sheringham ayaa muujiyay fikirkiisa ah in kooxdu ay faa’iido ku qabto haddii uu baxo Cristiano Ronaldo.

Saxafada Ingariiska ayaa muujisay rabitaan Ronaldo ee ah inuu ka tago Manchester United, si uu u galo khibrad cusub kaddib xilli ciyaareedkii niyad jabka ahaa ee heerarka kala duwan.

Sida laga soo xigtay SportSKeeda, halyeyga Manchester United ee Teddy Sheringham, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Dadka waxay sheegeen in Erik ten Hag uu awoodo inuu dhiso koox ku hareereysan Ronaldo, laakiin haddii uu doonayo inuu baxo, ha baxo, waxay arrintan bog cusub oo dhammeystiran u furreysaa United.”

“Waxaad kula soo saxiixan kartaan mushaarka Cristiano Ronaldo laba ama saddex ciyaartoy, Waxa jirta lacag badan oo aad bishii ku bixin karto.”

“Nolosha way sii soconeysaa, Ronaldo waxa uu doonayaa in uu meel kale aado uu ka ciyaaro, marka bax oo soo hel ciyaartoy aad ogtahay inay noqonayaan kuwo xooggan oo buuxa xilli ciyaareedka oo dhan.”

Yeelkeeda, Ronaldo ayaa ku soo laabtay Red Devils bishii Ogosto ee la soo dhaafay isaga oo kaga soo biiray Juventus, tan iyo markaas waxa uu kooxda u ciyaaray 38 kulan oo tartamada oo dhan ah, isagoo u dhaliyay 24 gool, halka uu caawiyay 3 gool kale.