Dhaqaatiirta Dhoobley oo ka warbixyey Saameynta uu leeyahay Cudurka Dhiig-karka.

0
175

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xanuunka dhiig-karka waa xanuun bulshada soomaaliyeed dhibaato ku hayo, dhaqaatiirta ayaa xanuunkan waxa ay ku tilmaamaan waxyaabaha sababa halbowlayaasha dhiiga oo xirma taas oo keenta ugu dambeyn inuu ku dhaco qofka dhiig-karka.

Daraasad ayaa sheegtay, dadka ay da’dooda dhowr iyo soddon jirka tahay iney lagama maarmaan tahay iney aad ula socdaan xaaladda dhiigkarkooda si ay maskaxda uga ilaaliyaan saameynta caafimaad uu u geysan lahaa.

Hadaba si aan waxbadan uga ogaano xanuunkan waxaan wareysi la yeelanay Digtoor Sayiid Cawli Cige oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala mid kamid ah xaruumaha caafimaad ee ku yaala magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose kaas oo sharraxaad dheer kabixiyay Waxyaabaha sababa xanuunka dhiig-karka.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warbixintan inooga diyaarisay