Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa u muuqata mid horumar ka samaynaysa kooxdeeda xagaagan iyada oo lagu soo daray Franck Kessie, Andreas Christensen, Raphinha iyo Robert Lewandowski. iyadoo xiddigo badan booskooda jogtadda shaki soo gali karro.
Mid ka mid ah xiddigaha uu booskoodda shakigga wayn soo gali karro waxaa lambar koow ka ah Memphis Depay. Xiddiga reer Holland ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya Barcelona xilli ciyaareedkii hore, waxaana jirtay fursad uu ku sii wadan karay xilli ciyaareedka soo socda. Hadana ku biirista Raphinha iyo qandaraas kordhinta uu sameeyay Ousmane Dembele ayaa ka dhigtay Memphis mid boos la’aan.
Shaki kuma jirro inuu xanaaqsan yahay laacibkaan reer holland, laakiin si uu si joogto ah u ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda, waa inuu baxo. wargayska (Sport) ayaa daaha ka qaaday in Tottenham ay la xaajoonayso Memphis, iyadoo Barcelona ay ku dalbaneyso 20 milyan oo euro. Si kastaba ha ahaatee qandaraaska xiddigga ayaa waxaa kaliya uga harsan hal sanno , xilli kooxda lagu naaneeso Spurs-ka ay sheegtay inaysan dooneynin inay dalabkooda kor uga soo qaadaan € 17m.
Memphis waxa uu rabaa in ka warsuggo barca haddii uu fursad kale kaheli karo shaxda koowaad wakhti xaadirkan, maadaama uu xiddigga doonayn in uu kulaabto Premier League
Marka la eego in uu yahay sanad koobka adduunka Memphis uu doonayo in uu ku yimaado qaabka ugu fiican ee suurtogalka ah, waxa ay u muuqataa wax aan macquul ahayn in uu sii joogo kursigga kaydka ee barca . Haddii dalab bixitaan la heli karo kaasoo ku habboon Barcelona iyo Memphis waa fasaxi doonaa xiddigga.