Madaxweyne Deni oo gurmadka Abaaraha kala hadlay Bulshada rayidka

0
170

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kadib daah-furka Shirweynaha gurmadka Abaaraha, wuxuu Shir-doceed la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa Ururada Bulshada kala hadlay kaalintooda ku aadan ka qeyb qaadashada gurmadka loo fidinayo dadka Abaaruhu saameeyeen, isagoo la wadaagay sida ay uga go’antahay qorshaha gurmadka Abaaraha oo ay kawada qeyb qaadanayaan Dowladda, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ururada Bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dadaalka Dowladdu gelinayso gurmadka Abaarta, waxayna si gaar ah uga mahadceliyeen lacagta $1Million ah ee Madaxweynuhu go’aamiyey in gurmadka lagu billaabo, taasi oo dhiirigelinaysa in Bulshaduna kawada qeyb qaadato gurmadka.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Guddiga Abaaraha ee Puntland.