Kulan logaga hadlayay Isdhaxgalka Dhalinyarada oo lagu qabtay Dhoobley.

0
195

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ururka dhalinyarada Magaalada dhoobley ayaa si wadajir ah u yeeshay kulan ay uga arinsanayeen aayo ka tashiga dhalinta oo ay kamid yihiin sidi loo mideen lahaa dhalinyarada ku nool magaalada dhobley Iyo ka shaqaynta amniga iyo la dagaanlanka mandoriyaha, Hormarinta deegaanka iyo sidii ay u heli lahaayeen shaqo abuur loo sameeyo dhalinta.

Kulanka oo ay goob joogayaal ay ka ahaayeen xubnaha ururka oo ugu horeeyo gudomiyaha dhalinyarada muxiyadiin oo uu wahelinayay gudomiyaha isboortiska iyo qaybaha ay ka koobanyihiin dhalinyaradu ee xaafadaha ay ka koobantahay dhobley ayaa waxaa dhamaan ay dhalinyaradu ay is afgarad ka gaareen sidii ay uga shaqeen lahaayeen danta deegaanka iyo isku duubnida dhalinyarada ku nool dhoobley.

Ugu danbeyn kulankii aaayo ka tashiga ururka dhalinyarada ay yeesheen wixi kaso baxay iyo qodobadii ay so saareen waxaa warbaahinta la wadaagay Khadar cusman farey.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa