Ten Hag oo go’aamiyay kabtanka kooxda Man United ee xilli ciyaareedka soo socda

0
208

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ten Hag ayaa si cad u sheegay in Ronaldo wali ku jiro qorshihiisa, xilli uu tilmaamay in Maguire uu sii ahaan doono kabtanka Man Utd.

Ten Hag Oo shirkiisii jaraa’id ee maanta kuyiri:

“Ronaldo wali wuxuu ku jiraa qorshayaashayada, wuxuu seegay tababarka sababo shaqsi ah; Maguire ayaa sii ahaan doona kabtanka Man Utd xilli ciyaareedka soo socda

Erik Ten Hag oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:

“Cristiano Ronaldo iib ma’aha, waxa uu ku jiraa qorshayaashayda -ma nala joogo sababo la xiriira arimo shakhsi ah. “

“Waxaan qorshaynaynaa inaan sii heysanno Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedkan, taasi waa waxa kaliya aa idiin sheegi karro.”

Ten Hag waxaa La waydiiyay “Sidee looga farxiyaa Cristiano? Ma garanayo – waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo isaga.”

Tababaraha Man United ayaa sidoo kale soo jeediyay in kabtannimada Maguire xilli ciyaareedka soo socda ay tahay mid aan shaki ku jirin.