Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

0
228

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa dukaan uu ku sugnaa kuwa weeraray Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Catoosh Nuur Calasow, iyaga oo dhowr xabadood ku dhuftay.

Muqtaar ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaasta lagu furay xilli uu ku sugnaa Goob Ganacsi uu kulahaa degaanka Macassar Beach oo ka tirsan Magaalada Cape Town, waxaana dhaawicii gaaray uu ugu geeriyooday Isbitaalka degaanka Tygerberg.

“Isaga oo Macaamiisha Dukaanka Caawinaya, ayaa Kooxo Hubaysan ku amreen inuu Dukaanka furo, kadibna Afar xabadood oo aan Dhawaaqooda la maqlin ku dhuftay,, Dhaawac daran ayuu ahaa, waxayna ka qaateen Mobile-kiisii iyo wixii lacago iyo Alaabo kale ah oo ay qaadan kareen wayna baxsadeen ka hor inta aan anaga iyo Booliska goobta te gin” ayuu yiri Abdikhani Ugaas oo kamid ah Dadkii ugu horeeyey ee soo qaaday Dhaawaca Catoosh.

Alle ha u naxariistee Catoosh Nuur Calasow oo Da’diisa aheyd 40-Sano jir, ayaa ahaa Qof aad looga yaqaano Magaalada Cape Town isaga oo sanado badan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika oo ugu dambeyn lagu dilay.