Paul Kagame oo sheegay in uu ka fikirayo in xilka uu sii hayo 20 sano oo kale.

0
221

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyaha Rwanda Paul Kagame—oo xilka hayay in kabadan 20 sano ayaa sheegay inuu ka fikirayo in uu xafiiska sii joogo 20 sano oo kale.

Waxaa uu u sheegay teleefishin kasoo baxa Faransiiska in uu u tartamayo xilka madaxweynaha doorashada nagu soo aadan ee ka dhaceysa Rwanda.

Ninkan 64-ka ah ayaa sanadkii 2015-kii baddalay dastuurka dalkaas si uu u helo fursad uu xilka kusii hayo tan iyo 2034-ka.

Doorashadii madaxtinimo ee ugu dambeysay ee Rwanda waxay natiijada muujineysay in Kagame uu helay boqolkiiba 99 codadkii la dhiibtay.

Madaxweyne Kagame ayaa si weyn u difaacay kaalinta dalkiisa uu ka qaatay ilaalinta xuquuqda aadanaha kadib shirkii dalalka ka tirsan ururka barwaaqo sooranka ee ka dhacay caasimadda magaalada caasimadda ah ee Kigali.