Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Baacsiga Manchester United ee ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong ayaa wali soo jiitamayay, waxayna u muuqataa in xal nadiif ah uusan wali muuqan sida uu ku warramayo Fabrizio Romano. Waxa kaliya ee la hubo ayaa ah in United iyo Barcelona ay wali wada xaajoog kujiraan.
Lacag go’an oo heshiiska Lagu dhammaynayo oo ah 65 milyan euro ayaa loo malaynayaa in lagu heshiiyey laakiin qodobka ugu muhiimsan ee wada xaajoodyadu waa sidii loo qaabayn lahaa 20 milyan oo euro oo dheeri ah oo lagu dari doono heshiiska
United xitaa ma aysan bilaabin in ay kala hadasho heshiiska shaqsiga ah ee De Jong sababtoo ah ma doonayo xiddiga in uu ka tago Barcelona kunna biiro koox aan ku jirin Champions League-ga. Laakiin Erik ten Hag ayaa weli doonaya inuu beddelo maskaxdiisa.
De Jong ayaa ku biiray Barcelona xagaagii 2019 isaga oo kaga soo biiray Ajax kadib markii uu ka soo muuqday kooxdii xiisaha lahayd ee u soo baxday semi-finalka champions League-ga kuwaasoo kaliya guuldaro kala kulantay Tottenham Hotspur.