Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Suuqyada dharka iyo Carwooyinka ku yaalla magalada Dhoobley waxaa si aad ah looga dareemaya mashquul iyo diyaar garow xoogan oo la xiriira maalinta Ciidul Axdaa ee maalmo kooban ay ka harsan yihiin.
Dadka ayaa waxay isku diyaarinayaan maalinta ciida waxayna gadanayaan dhar iyaga oo sidoo kale caruurta u iibinaya dharka ciida ee soo baxay sanadkan iyo agabka ay ku ciyaari lahaayeen.
Hadaba waxaan waraysi la yeelanay Ganacsatada qaar ee iibisa dharka iyagoo inoo sheegay in ciidan ciidihii hore ay ka duwan tahay isbadal weyna uu ka jiro suuqa maadaama bulshada ku nool deegaanada ay saameysay abaartii ku dhufutay qeybo kamid ah dalka islamarkana ay yartahay tirada dadka wax iibsanaya markii laeego ciidi sanadkii hore.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa