Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Zlatan Ibrahimovic ayaa go’aansaday inuu qandaraaska u kordhiyo Milan ilaa xagaaga 2023 sida uu kusoo warramayo Fabrizio Romano.
Weeraryahanka reer Sweden ayaa ka caawiyay kooxda reer Talyaani inay ku guuleysato Scudetto xilli ciyaareedkii hore, waxaana ka go’an inuu mar kale u sii adeeggo Milano, inkastoo uu dhaawac jilibka ka soo gaaray dartiis garoomadda Uga maqnaan doona muddo lix bilood ah.
Zlatan hadda waa 40 jir, haddana sida uu u daryeelo jirkiisa waxay la macno tahay inuu sii wadi karo inuu kasii mid ahaado kuwa halista badan Serie A, waxa uu aqbali doonaa inuu hoos udhigo mushaharkiisa si uu qandaraaska ugu cusuboonaysiiyo Milan
Zlatan waxa uu soo maray xirfad cajiib ah, taaso keentay in uu matalo Malmo, Ajax, Juventus, Internazionale, Barcelona, Milan, Paris Saint-Germain, Manchester United, LA Galaxy iyo Milan markale, si kastaba ha ahaatee Ibra Ayaa wali ku taamaya inuu ku guuleysto tartanka Champions League-ga asigoo kujira waqtiyaddii ugu danbeeyay ee kubadda Cagta.