Wasiirki Maaliyada dalka Argentin oo shaqadii iskaga tagay.

0
166

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirkii maaliyadda ee waddanka Argentina, Martin Guzman, ayaa shaqadda ka tagay, iyadoo dhibaatadda dhaqaale ee dalkaasi ay sii kordhayso.

Mr Guzmán ayaa xilka hayay tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, waxaana uu hogaaminayay wada xaajoodyo uu la galay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) kuna saabsan dib u habeynta deynta Argentina.

Argentina ayaa waxa ay la daalaa dhacaysaa sicir barar heerkiisu yahay 60%, lacag daciif ah, iyo sidoo kale kor u kaca qiimaha cuntadda iyo tamarta adduunka.