Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Fabrizio Romano Chelsea ay awoodeeda dhan isugu geynaysa sidii ay ku soo afjari lahayd heshiiska weeraryahanka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling.
Chelsea ayaa dooneysa in heerka wada xaajoodka ay ka dhigaan mid go’aan qaadasho leh si ay u helaan adeega xiddiga heerka caalami ee dalka England.
Blues ayaa tan iyo bishii hore baacsaneysay xiddiga heerka caalami ee dalka England, kaasoo qandaraaskiisa garoonka Etihad uga harsan yahay hal sano, iyada oo Sterling uu muujiyay rabitaankiisa ah u dhaqaaqista kooxda ka dhisan London.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel uu shaqsi ahaan ula xiriiray ciyaaryahanka si uu ugu qanciyo u dhaqaaqista garoonka Stamford Bridge.
Haddaba sida uu warinayo Suxufiga arrimaha suuqa aadka wax uga qora ee Fabrizio Romano, ayaa sheegay in wadahadalo wax ku ool ah ay horay u dhaceen jimcihii, laakiin faahfaahinta ugu dambeysa ayaa wali loo baahan yahay in lagala shaqeeyo Raheem Sterling.
Chelsea ayaa sidoo kale wadahadal la yeelatay Rafinha kaddib markii Leeds ay aqbashay dalabkiisa £60m, laakiin ciyaaryahanka reer Brazil ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu sugo oo uu arko haddii la dhameystiri karo heshiiska Barcelona.
Dib u dhacan, waxaa suurtogal ah in Raheem Sterling, oo 27 jir ah, uu noqdo saxiixii ugu horreeyay ee weyn ee Chelsea intii uu maamulayay milkiilaha cusub ee Todd Boehly.