Dhaq-dhaqaaqa Suuqa Xoolaha Dhoobley Oo Sare u kacay Maalmihii u danbeeyay.

0
112

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sare u kac ayaa laga dareemayaa qiimaha la kala siisto xoolaha nool ee Magaalada Dhoobley gaar ahaan Ariga iyadoo ay dadku isku diyaarinayaan udxiyada Ciida Carafo.

Dad badan ayaa maanta ka iibsanayay suuqyada xoolaha Ari aad u badan waxaana laga dareemayaa mashquul xooggan iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxaa qiimaha la iibinaya ariga uu yahay mid sare uga kacsan sidii hore.

Suuqyada lagu iibiyo xoolaha ayaa waxaa ku sugan dad badan oo doonaya iibsashada xoolaha si ay ugu diyaar garoobaan Munaasabada Ciida Carafo oo ay naga xigto wax ka yar todobaad.

Ganacsatada xoolaha iibiya ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro sare u kac dhanka qiimaha xoolaha ah iyaga oo ku sababeeyay dadka oo aad u iibsanaya xoolaha.

Qaar kamid ah Dilaaleyda Suuqa Xoolaha ee Magaalada ayaa Warbaahinta Sanguuni uga warbixiyay xaalada Suuqa.

Sido kale Maxamed Nuur waxaa u kamid yahay dadka Reer Miyiga ah ee uu soo iibkeenay xoolaha Suuqa Dhoobley geeystiisa ayaa waxaa uu inoga warbixinayaa farqiga u dhaxeeya iibka Xoolaha bilihii lasoo dhaafay iyo hada oo lagu jiro Diyaar garawga ciida Carafo
isago xusay in hada suuqu yahay mid wanagsan xoolahoodana ay iib fiican ku iibsadaan halka awal hore qiimaha xooluhu ahaa mid hooseeya taasi oo iyaga saameyn ku yeelatay maadamo ay ku tiirsan yihiin Xoolaha nool waa kan Maxamed oo arin kaasi ka hadlaya.

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya.