Maamulka Isbitaalka Guud ee Magaalada Dhoobley oo kawarbixiyey adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalku.

0
194

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isbitaalka guud ee Deegaanka Dhoobley ayaa Bulshada Dhoobley iyo nawaaxigeeda u fidiya Adeegyo kala duwan oo lacag la’aan ah kaasi oo ay waxbadan ka faa’iideen Bulshada Danyarta ee aan awoodin in ay iska Daaweeyaan Isbitaalaada Gaarka loo leeyahay.

Hadaba DR Maxamed Xasan Agaasimaha Isbitaalka guud ee Deegaanka Dhoobley ee Gobolka jubbada oo radio sanguuni lahadlay ayaa kawarbixiyay sida uu u shaqeeyo isbitaalku iyo adeegyada uu bixiyo isbitaalku waxa uuna shegay in Isbitaalku u qaabilo Dadweyne Farabadan oo kala yimaada xaafadaha Dhoobley iyo sido kale Deeganada hoos yimaada Dhoobley islamarkaana usoo adeeg caafimaad doonta.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya