Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa shaaca ka qaaday go’aankeeda ku aadan iibka weeraryahankeeda reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaddib markii ay kooxda soo bandhigtay xiliciyaareedkii niyad-jabka ahaa ee horyaalka Premier League.
Ku soo laabashada Ronaldo ee garoonka Old Trafford ma ahayn mid waafaqsan rajada ay ka qabeen taageerayaasha, maadaama ay kooxda ku guuldarreysatay dhammaan koobabkii ay u tartameysay, sidoo kale waxay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League inkastoo Ronaldo uu dhalaalayay goolal.
Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Daily Mail, kooxda reer England ayaan wax rabitaan ah u qabin inay iska iibiso Ronaldo, isla markaana ay maamulka rajo weyn ka qabaan inuu la sii shaqeyn doono inta lagu jiro xilli ciyaareedka cusub.
Warbixino qaar ayaa waxay tilmaameen in Cristiano Ronaldo uu ka carrooday siyaasada maamulka kooxda Man United ee dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagan, iyada oo United aysan dhamaystirin wax heshiis cusub illaa iyo hadda.
Ronaldo uu dib ugu soo laabtay Red Devils bishii August ee lasoo dhaafay isaga oo kaga soo biiray Juventus, waxaana uu kooxda kula jiraa qandaraas ilaa June 2023 ah.
Cristiano ayaa u ciyaaray Manchester United xilli ciyaareedkii hore 38 kulan oo tartamada oo dhan ah, waxaana uu dhaliyay 24 gool, isaga oo dhinaca kale saaxiibadiis ka caawiyay gool kale.