Wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland oo bulshada magaalada dhoobley kula caweeyay goobaha caamka ah ee magaalada

0
158

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan, wasiirka hawlaha guud dib u dhiska iyo guriyeynta, Eng Ismaaciil Axmed Garas, wasiirka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed iyo wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland Faadumo Macalin Cabdikariim ayaa qaar kamid ah bulshada magaalada Dhooblay habeenimadii xalay ahayd kula qaxweeyay goobaha caamka ah ee ay bulshadu ku shaaxeeyaan.

Masuuliyiintan oo maalmihii u dambeeyay howla shaqo u joogay magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa booqday goobaha ganacsiga deegaanka iyagoona carwooyiinka dharka kasoo dukaameystay, waxaa ayna sidoo kale in door ah ku dhex lugeeyeen waddooyiinka waaweyn ee Dhooblay si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee Deegaanka.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya