Man City oo laba shuruud ku xirtay heshiiska uu Bernardo Silva ugu wareegayo Barcelona

0
115

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa ogolaatay fikradda bixitaanka xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, kaasoo laga doonayo safka kooxda Barcelona, iyaga oo ku xiray labo shuruud.

Radio Catalunya ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona aysan far dhaqaajin oo aysan wax dalab ah miiska u saarin Man City ilaa hadda, si ay u hesho saxiixa Bernardo Silva.

RAC1 ayaa tilmaamtay in City aysan dhib ku qabin fikradda ah inay go’aan ka gaarto Bernardo Silva, balse taasi badelkeeda aysan ogolaan doonin inay fasaxdo ilaa ay ka heli doonaan qiimo lacageed dhan 80 million euros ama ka badan.

Man City ma dooneyso inay dhageysato dalabyada, ha ahaato Barcelona ama koox kale, wax ka yar qiimaha kor ku xusan, taasoo dhibaato ku noqon doonta Barcelona, oo ay hadda haysato dhibaato dhaqaale oo daran.

Radio Catalunya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in shuruuda labaad ay tahay, in Man City aysan dooneynin inay Barca kaga hesho adeega xiddiga reer Holland ee Frenkie de Jong heshiis isdhaafsi ah, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda reer Catalonia ay dooneyso inay soo gabagabeyso heshiiska isdhaafsiga ah ee labada dhinac xagaagan, City waxay dooneysaa inay lacag caddaan ah ku hesho iibka Bernardo Silva.