Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Saxiixa cusub ee kooxda Real Madrid Antonio Rüdiger ayaa xaqiijiyay in ay sharaf u tahay in uu ka hoos ciyaaro tababare Carlo Ancelotti.
Daafaca reer Germany ee Antonio Rüdiger ayaa ka soo muuqday shirkiisa jaraa’id ugu horreeyay isaga oo ah ciyaaryahan kooxda Real Madrid, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“La shaqeynta Ancelotti waxay ii tahay sharaf weyn, wali waxaan ku qanacsanahay inaan wax badan ka baran doono isaga.”
“Waxaana rajeynayaa inuu iga caawin doono ku guuleysiga Champions League kale.”
Antonio Rüdiger ayaa carabka ku adkeeyay doorka tababaraha reer Talyaani ee ku gaaristiisa inuu u dhaqaaqo kooxda Los Blancos, wuxuuna yiri:
“Carlo Ancelotti waxa uu ciyaaray door weyn.”
“Way cadahay inaan imaado Real Madrid kadib wada sheekeysigii aan la yeeshay isaga.”
Waxa uu sidoo kale daaha ka qaaday in xiddiga reer Brazil Ronaldo uu ahaa xiddigii uu kaga dayan jiran kubadda cagta yaraantiisa, isla markaana uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii uu kala shakeeystay go’aankii uu ugu biiray kooxda Real Madrid.
Antonio Rüdiger oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku daray:
“Markii aan yaraa, oo aan kubadda ku ciyaari jirnay wadada, Ronaldo wuxuu ahaa xiddiga aan ku daydo, markii aan la saxiixday Real Madrid waxaan kula hadlay muuqaal, waan faraxsanaa, isla markaana walwal ayaan dareemayay.”
Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale qirtay in saaxiibkiisii hore ee Blues, iyo ciyaaryahankii hore ee Real Madrid, ee Mateo Kovacic, ay kula taliyeen inuu u dhaqaaqo Los Blancos.