Dhulgariir khasaaro badan sababay oo kudhuftay afgaanistaan.

0
181

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 155 ayaa geeriyootay inkabadan 200 oo kale ayaa dhaawacmay kadib dhulgariir xooggan oo kudhuftay qeybo kamid ah koonfur bari dalka afgaanistaan iyo sidoo kale xadka afgaanistaan ay lawadaagto paakistaan.

Maxamed Nasiim Xaqaani oo ah wasiirka maareeynta musiibooyinka daalibaan ayaa sheegay in dadka ugu badan ee kudhintay dhulgariirka ay kugeeriyoodeen gobalka Paktika kaasi oo ay kudhinteen inkabadan 100 qof halka ay kudhaawacmeen inkabadan 250.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay 6.1 ayaa kudhuftay magaalada Khost oo udhaw xadka afgaanistaan ay lawadaagto paakistaan waxaana hadda socda gurmad loo sameynayo dadka ku dhaawacmay dhulgariirka iyadoo ay sii kordhi karto tirada dadka kugeeriyooday dhulgariirka maadaamada weli ay socdaan tirakoobka lagu wado khasaaraha kadhashay dhulgariirka kudhuftay koonfur bari dalka afgaanistaan.