Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland oo kulan la qaatay maamulka Magaalada Dhoobley iyo waxgaradka Deegaanka.

0
143

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu Hogaaminayay wasirka arimaha gudaha fedralka iyo dib u heshiisiinta jubaland mudane mohmed warsame daraawiish oo ay waheliyaan wasiirka cafimadka iyo daryelka bulshada maxamed abdi oogle, wasirka hawlaha guud dib u dhiska iyo guriyeenta jubaland engneer ismaciil axmed garas iyo wasirka tamarta iyo khayradka biyaha dawlad goboledka somaliyeed ee jubaland axmed xussein baraak ayaa soo gaaray Degaanka dhobley ee gobolka jubada hoose kuwaas oo hawlo shaqo u yimaaday degaanka dhobley.

Wafdigaasi ayaa kulan balladhan beerta nabada ee magalada dhobley kula yeshay maamulka magalada dhobley iyo guud ahaan waxgaradka degaanka.Ujeedka shirka ayaa ahaa is xog waraysi iyo in si guud loo kala warqaato.

Ugu Horeyn waxaa shirka daahfuray Duqa degaanka dhoobley siyaad maxamed Xassan isagoo soo dhaweeyay wafdiga balladhan ee degaanka soo gaadhay.

Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha fedralka iyo dib u heshiisiinta jubaland mudane maxamed warsame daraawiish ayaa bulshada uga faahfaahiyay u jeedka safarkooda ay ku yimaadeen magalada dhobley ee gobolka jubada Hoose sido kale wasirka ayaa sheegay in qorshayaashooda ay kamid tahay in dhobley degmo loo magacaabo sido kalena loo samayn doono gole deegaan.

Sido Kale waxaa iyagana dhankooda ka hadlay Qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka ee kaso qayb galay Shirka Iyagoo Sido Kalena ugu mahadceliyay wafdiga balladhan ee degaanka soo gaadhay.

Ugu Dambayntii Wasirka hawlaha guud dib u dhiska iyo guriyeenta jubaland engneer ismaaciil axmed garas ayaa dhankisa sheegay in magalada Shaqo badan rabto loona baahanyahay in si guud loga wada shaqeeyo.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa