Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada oo kuwajahan Gobolka Gedo

0
155

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee Maanta uu degmada Doolow ee Gobolka Gedo safar ku tago Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergayga ayaa inta uu joogo Degmada booqasho iyo kormeer ku tagi doono xarooyinka barakacayaasha oo ay ku nool qoysas aad u tiro badan

Sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa si uu warbixino uga dhageysto Maamulka degmada iyo Maamulayaasha kaamamka Barakacayaasha ee kuyaalla degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay u booqday kaamamka Barakacayaasha ee kuyaalla degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.