Bangiga aduunka oo Itoobiya ugu deeqay lacag 405 Milyan Doollar.

0
160

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaarada maaliyada Itoobiya ayaa Bangiga aduunka lasexeexday deeq lacageed oo dhan 405 Milyan Doollar oo bangiga aduunka uu siinayo Dowladda Itoobiya.

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxeexday Wasiirka wasaarada maaliyada Axmed shide iyo agaasimaha Bangiga aduunka itoobiya u qaabilsan Cusmaan diyon.

Wasiirka wasaarada maaliyadda Axmed shide ayaa sheegay in deeqdan Lacageed lagu bixinayo horumarinta xoolodhaqatada, biyaha dhulka hoostiisa ee deegaanada jooga hoose iyo dabargoynta Safmarka Covid 19.

Sidookale wasiirka ayaa tilmaamay in deeqdan 210 milyan oo kamid ah lagu horumarinayo xoolodhaqatada iyo biyaha dhulka jooga hoostiisa ee deegaanada jooga hoose inta kalena lagu bixinayo dabargoynta cudurka Safmarka ah ee Covid 19.