Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis wakhti dheer ah ka saxeexday weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Núñez.
Benfica ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqday inay heshiis la gashay Liverpool, si ay Darwin Núñez ugu wareejiso safka Reds, laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda.
Kooxda reer Portugal ayaa sharraxday in Liverpool ay bixin doonto 75 million euros oo ah lacagta aasaasiga ah oo ay ku bedeleneyso adeegyada Darwin Núñez, balse marka gunnooyinka oo 25 million euros ah lagu daro wuxuu heshiiska gaarayaa 100 million euros.
Sida lagu sheegay website-ka rasmiga ah ee Liverpool, Darwin Núñez ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub ee Liverpool lambarka 27-aad.
Núñez ayaa kaddib markii uu heshiiska cusub u saxiixay kooxda Liverpool, wuxuu ka hadlay dareenkiisa wuxuunaa yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo Liverpool, tani waa koox weyn.”
“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo lamaanaheyga, aabahey, hooyaday iyo wiilkeyga, runtii waxay ii yihiin isha aan ku faano, runtii waxay ii ahaayeen muhiim marxaladihii xirfadeyda.”
“Farxad ayey ii tahay inaan halkaan joogo Liverpool, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo kooxdan weyn.”
“Waxaan ka hor imaaday Liverpool, waxaana ku daawaday kulamo badan oo Champions League ah, tani waa qaab ciyaareedkeyga, halkaan waxaa jooga ciyaaryahano waa weyn, waxaana u maleynayaa in ka ciyaarista halkan ay munaasab ku tahay qaab ciyaareedkeyga.”
“Sida aan sheegayo, wax badan ayaan daawaday, tanina waa koox aad u weyn, waxaana rajaynayaa in aan awoodo in aan bixiyo wax walba oo aan ku caawiyo kooxda.”