Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Haweenka ayaa waxaa ay kaalin ku leeyihiin dhaqaalaha aduunka, mudooyinki dambe haweenka soomaaliyeed ayaa ahaa kuwa layimaada hal abuur iyo fikrado ganacsi kuwaas oo wax weyn ay kaga badaleen nolosha qoysaskooda.
Waxaa jiro tiro haween ah oo ku nool magaalada kismaayo kuwaas oo layimaaday hal abuur ganacasi oo ah kamid yihiin jarista iyo karinta hilibka geela waxayna ka dhigaan odkac, iibinta daawooyinka dabiiciga ah, dhar karinta, shiidista qudaarta noocyadeeda kala duwan
Dumarkan ganacstada ah oo gaaraya 35 haween ah ayaa labaxay magac ay ku midoobeen kaas oo ugu magac dareen shirkadda haboon.Qaar kamid ah haweenkaasi ayaa kawarbixiyay ganacsigooda iyo waxa uu ku saleysan yahay.
Fardowsa ibrahim cumar waa maamulaha shirkadda haboon waxayna faah faahin kabixisay xilli ay ganacsigan bilaabeen.
Guud ahaan haweenka soomaaliyeed ee leh hamiga iyo xirfadaha hal abuurka ganacsi waxay wali wajahayaan caqabado ay kamid yihiin helidda dhaqaalo ay ku bilaabaan ganacsiyada yaryar iyo sidoke aqoon iyo xirfad ku filan.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan ku eegaya