Qaar kamid ah Barakacayasha Deegaanka Dhoobley oo codsaday in loo dhiso Guuryo.

0
110

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan Boqolaal qoys oo ka soo Barakacay qeyba kamid ah gobolada dallka.Qoysaskan oo iskugu jiray xoolo dhaqato iyo beeraley ayaa Deegannadii ay ku noolayeen uga soo hayaamay abaarta ka jirta Qeyb Badan oo kamid ah Gobolada Dalkeena, waxana xiligan duruufo dhanka nolosha ay ku heysatan kaamanka Barkacyaasha ee Deegaanka.

Duruufaha ugu daran ee xiligan heysata qoysaskan ayaa waxaa ka mid ah guryo la’aan Raashin la’aan iyo sido kale shaqo la’aan maadaamo ay Deegannadii ay ku noolayeen ay ka soo barakeceen walina ayna la qabsanin Nolosha Magaalada.

Qoysaskan danyarta oo Radio Sanguuni lahadlay ayaa Maamulka Deegaanka iyo Ha’yaddaha samafalka ka codsaday in loo dhiso guryo Madaamo xiligan ay dagan yihiin Coshado yaryar oo aan qorax iyo Roob midna aan ka celineynin.

Abaaraha ka jira qeybo badan oo kamid ah Dalkeena ayaa noqday kuwa daba dheeraday oo saameyn baaladhan ku yeshay dad iyo duunyo.

Dhawaan ayay aheyd Markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Ergey Gaar ah u xil saaray Arimaha Gurmadka Abaaraha si wax loga qabto xaaladaha adag ay wajahayaan Dadka Soomaaliyeed ee ku ceyrtoobay Abaarta xoggan ee ku dhufatay Qeybo badan oo kamid ah Gobolada dalka.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa