Man United oo soo gashay loolanka loogu jiro saxiixa Alessandro Bastoni

0
211

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Suxufiga Gianluca Di Marzio ayaa xaqiijiyay in Alessandro Bastoni laga doonayo kooxo badan oo Ingiriis ah.

Di Marzio ayaa sharaxay in Inter ay u baahan tahay inay iska iibiso mid ka mid ah xiddigaha waa weyn xagaagan, waxayna u muuqataa in daafaca da’ada yar ee Talyaaniga ah uu yahay midka soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee Premier League sida Tottenham iyo sidoo kale Manchester United oo biloowday inay la socoto xaalada ciyaaryahanka kooxda reer Talyaani.

Si kastaba ha ahaatee, ma sahlanaan doonto in Inter ay iibiso ciyaaryahanka marka laga reebo inay ku hesho lacag aad u badan, waxaana u sii dheer cadaadiska taageerayaasha ay ku hayaan inaysan iibin kooxda.

Man United ayaa isha ku haysa xaalada Alessandro Bastoni ee kooxda Inter, Sidaas darteed, qorshaha kale ee Manchester United ama Tottenham ayaa noqon kara daafaca reer Holland ee Sven Putman, kaasoo si xoogan loola xiriirinayay inuu ku biirayo Milan maalmihii lasoo dhaafay.

Inkasta oo ay Milan heshiis horudhac ah la gashay xiddiga Lille ee Putman, haddana waa in aan la dhayalsan awoodda kooxaha Ingiriiska ee suuqa kala iibsiga iyo suurtogalnimada ah in ay kor ugu qaadaan dalabyada muhiimka ah ee kooxaha.

Si kastaba ha noqotee, waxaa laga yaabaa in daafaca reer Holland uu bar-tilmaameed u yahay United ama Spurs. haddii ay dhacdo in lagu guuldareysto iibsashada Alessandro Bastoni.