Barcelona oo ballan qaad ka heshay Mohamed Salah… (Goorma ayuu u dhaqaaqi doonaa garoonka Camp Nou?)

0
231

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mohamed Salah ayaa ballan-qaad ku aaddan suuqa kala iibsiga u gacan geliyey kooxda kubadda cagta Barcelona sida ay wararku sheegayaan.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa heshiiskiisa garoonka Anfield waxa uu ku eg yahay xagaaga soo socda.

Sida ay daabacday Jariiradda The Mirror Mohamed Salah ayaa kooxda reer Spain ee Barcelona u sheegay inuu u dhaqaaqi karo garoonka Camp Nou sanadka 2023-ka.

Xiddiga xulka qaranka Masar ayaa kooxda Liverpool sii joogi doona xagaagan, laakiin qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa 12 bilood kaddib, welina ma saxiixin heshiis cusub.

Waxaa la fahamsan yahay in xiddiga kooxda Reds ee Mo Salah uu ku wargeliyey inuu u wareegayo Barca sanadka 2023-ka.