Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Portugal iyo kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo, ayaa abaal-marin gaar ah kula guuleystay Red Devils.
Man United ayaa ku dhawaaqday, maanta oo Sabti ah, in Ronaldo loo caleemo saaray abaal-marinta “Sir Matt Busby Player” oo ah ciyaaryahankii ugu fiicnaa kooxda xilli ciyaareedkii la soo xiray.
Abaal-marintan ayaa waxaa codeeya taageerayaasha Manchester United ee ku kala nool daafaha caalamka, iyada oo codeynta loo marsiiyay website-ka rasmiga ah ee kooxda.
Xiddiga reer Portugal ayaa isla abaal-marintan ku guulaystay saddex jeer hore, waayihiisii hore ee uu la joogay Manchester United, xilli ciyaareedyadii 2003/2004 – 2006/2007 – 2007/2008.
Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay u dhaliyay 24 gool Manchester United, tartamada oo dhan, waxaana uu sidoo kale caawiyay 3 gool.