Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bayern Munich ayaa wali halis ugu jirta inay waayi doonto garabka Jarmalka Serge Gnabry, iyadoo la tixraacayo dib u cusboonaysiinta qandaraaskiisa, kaasoo dhacaya xagaaga 2023.
Shabakada Sky Sport Germany ayaa warineysa in dalabka Bayern ay ku cusbooneysiineyso qandaraaska Gnabry uu weli ka fog yahay dalabaadka dhaqaale ee ciyaaryahanka uu ka doonayo kooxda.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan suurtagalnimada ah in kooxda heysata horyaalka Bundesliga lagu qasbo inay iska iibiso 27 jirkaan inta lagu guda jiro suuqan xagaaga, haddii ay ku guuldarreystaan inay la gaaraan heshiis ku saabsan cusboonaysiinta qandaraaskiisa, halkii uu beeca xorta ah kaga tagi lahaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.
mustaqbalka Serge Gnabry ayaa lagu wadaa inuu u dhexeeyn doono 4 kooxood oo ka baxsan dalka Jarmalka, kuwaas oo kala ah, Real Madrid, Juventus, Milan iyo Manchester United.
Real Madrid ayaa aad ugu baahan heshiiska xiddig si wanaagsan kaga ciyaari kara garab weerarka, kaddib markii ay ku guuldareysatay inay keento weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé, taasoo ka dhigeysa Gnabry dookh ku haboon Los Blancos.
Weeraryahanka reer France ayaa dhabarka u jeediyay kooxda heysata koobka UEFA Champions League, isagoo doorbiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo Paris Saint-Germain ilaa xagaaga 2025.