Cristiano Ronaldo oo si maldahan kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man United

0
155

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Cristiano Ronaldo ayaa si maldahan u sheegay in uu sii joogi doono kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe, isaga oo ka duulaya wararka xanta ah ee la xiriirinaya in uu isaga tagi doono kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ronaldo ayaa go’aansaday inuu ku laabto Manchester United xagaagii hore, kaddib 12 sano oo uu ka maqnaa garoonka Old Trafford, inkastoo uu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda, laakiin xilli ciyaareedkiisa ma uusan noqon mid guulo ku filan.

Ilo wareedyo badan ayaa sheegaya in Ronaldo uu doonayo inuu ka tago Manchester United kaddib markii kooxdu ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Halka ilo kale ay sheegeen in tababaraha cusub ee kooxda Man United Eric Ten Hag, uu ka codsaday maamulka kooxda inay ka tanaasulaan adeega Cristiano. Balse wararkaas ayaa markii dambe la beeniyay.

Haddaba sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee dalka Spain Cristiano Ronaldo ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man United wuxuuna yiri:

“Hadafkeyga wali waa inaan si adag u shaqeeyo, inaan sii wado jacaylka kubadda cagta, dabcan Manchester United iyo asxaabteyda way i caawiyaan mar walba.”

“Mar walba way fiican tahay in gool loo dhaliyo kooxdan, laakiin waxa iigu muhiimsan waa inaan guulaysto kulamada oo aan isku dayo inaan koobab ku guuleysto.”

“Waxaan qabaa in Manchester United ay ahaan doonto meeshii la rabay, mararka qaar waxay qaadanaysaa waqti si ay taasi u dhacdo, laakiin anigu waxaan qabaa wali waxay ku fekerayaan inay dhici doonto.”