Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo maalmihii la soo dhaafay wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ay diiwaangelinaysay sare u kac dhanka kiisaska cudurka COVID-19, ayaa kenyaanka lagula taliyay inay isticmaalaan afxirka.
Waxaa baaqan soo saartay xoghayaha joogtada ee wasaaradda caafimaadka dalka Kenya Susan Mochache.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dadweynaha looga baahan yahay inaysan fududeysan halista caabuqa corona oo ay sitaan afxirka sidoo kalena qaataan dawooyinka tallaalka.
Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa shalay xaqiijisay xaaladaha cudurka COVID-19 oo gaaraya 117 tani oo tirada guud ka dhigtay 324,976.