Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo baahida iyo oonka ka jira deegaanada koonfur galbeed xilligan ay marayaan meel xasaasi ah ayaa waxaa jira boqolaal qoys oo barakacayaal ah oo kaso hayaamaya degaanadooda kadib markii ay roobabkii ay yaraadeen islamar ahaantaasna xolohii ay dhaqan jireen ay dhaafisay abaartu .
kamka hareere jeef 2 ee ku yaal duleedka magaalada beydhabo ayaa waxaa soo gaarey boqolaal kamid ah barakacayaasha oo kaso hayaamey deeganada abaartu sameysey .
Qaar kamid ah dadka barakacayaasha oo warbahinta la hadley ayaa sheegey in xaaladooda aysan caadi aheen sameynna ay ku yeelatay abaarta xiligan kajirta deegankaasi.
Shariifo Dahir oo ah guddomiyaha kaamka hareere jeef 2 ay sheegtey in kàmka ay soo gaaren barakacyaal cusub kuwas oo dib u dajin logu samenayo magalada.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa