Kooxda Real Madrid oo heshiis cusub iyo mushahar kordhin ku abaal-marinaysa Vinicius Junior

0
335

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay heshiis cusub oo waqti dheer u gacan geliso xiddigeeda garabka weerarka ka ciyaarta ee Vinicius Junior, kaasoo uu ku sii joogi doono garoonka Bernabeu.

Laacibka reer Brazil ayaa qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu wacnaa ee xirfaddiisa ciyaareed, isagoo gool uu dhaliyey Sabtidii uu koobka Champions League ugu gacan geliyey kooxdiisa markeedii 14-aad.

Goolkii uu dhaliyey Magaalada Paris kulankii Final-ka Champions League ayaa natiijo ahaan ka dhigan in 21-sano jirkaan uu dhammaaday xilli ciyaareedka isagoo dhaliyey 21 gool, isla markaana sameeyey 17 caawin 48 kulan oo uu saftay horyaalka La Liga iyo tartammada Yurub.

Haddaba Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa ku warramaya in Naadiga Los Blancos ay haatan isku diyaarinayso inay heshiiska u cusboonaysiiso xiddigeeda soo baxaya, isla markaana ay mushahar kordhin u sameyso qandaraas waqti dheer ahna ka saxiixato.

Warbixinta ayaa sheegtay in Vinicius Junior uu heshiiskan cusub ku heli doono ku dhawaad 10 milyan gini sanadkii, iyadoo uu qalinka ku duugi doono qandaraas socon doona ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2027-28.