Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Roma ayaa loo caleemo saaray koobka Europa Conference League kaddib markii ay kaga adkaadeen kooxda Feyenoord 1-0, kulankii finalka ahaa, waxayna sidaas ku noqeen kooxdii ugu horeysay ee tartankan ku guuleysata.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda reer Talyaani ee Roma.
Daqiiqadii 32-aad kooxda AS Roma ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Nicolò Zaniolo, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Gianluca Mancini.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Roma, kooxda Feyenoord, kaddib ciyaar xiiso badan ee ku dhex martay garoonka Arena Kombetare ee dalka Albania, naadiga reer Talyaani ayaana sidaas loogu caleemo saaray koobka Conference League oo markii ugu horeysay taariikhda la qabtay.