Kooxaha illaa iyo haatan xaqiijiyey inay u soo baxeen tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda 2022-23

0
202

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la xaqiijiyey illaa iyo haatan kooxaha u soo baxay heerka guruubyada Champions League xilli ciyaareedka soo aaddan ee 2022/23.

Afarta kooxood ee u dhammaysa kaalimaha afarta sare ee horyaallada Premier League, La Liga, Serie A iyo Bundesliga ayaa la xaqiijiyey inay soo gudbeen, sidoo kale waxaa raaci doona min labada kooxood ee halka ugu sarreysa kaga dhammaystay horyaallada France iyo Portugal.

Kooxaha ku soo guuleystay horyaallada Netherlands, Belgium iyo Austria ayaa sidoo kale u soo baxay heerka guduubyada Champions League kal ciyaareedka soo aaddan.

Illaa iyo haatan waxaa xaqiijiyey booskooda ka qeyb-galka Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda 26 kooxood, iyadoo ay ka harsan yihiin inay 32 kooxood dhammaystiraan kaliya lix naadi.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxaha illaa iyo haatan xaqiijiyey ka qeyb-galkooda Champions League xilli ciyaareedka soo socda illaa iyo haatan iyo dalalka ay ka kala socdaan:-

KOOXDA

WADDANKA

Liverpool

England

Manchester City

England

Chelsea

England

Tottenham Hotspur

England

Real Madrid

Spain

Barcelona

Spain

Atletico Madrid

Spain

Sevilla

Spain

AC Milan

Italy

Inter

Italy

Juventus

Italy

Napoli

Italy

Bayern Munich

Germany

RB Leipzig

Germany

Bayer Leverkusen

Germany

Borussia Dortmund

Germany

Paris Saint-Germain

France

Marseille

France

Porto

Portugal

Sporting

Portugal

Ajax

Netherlands

Club Brugge

Belgium

Red Bull Salzburg

Austria

Celtic

Scotland

Shakhtar Donetsk

Ukraine

Eintracht Frankfurt

Germany