Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda caafimaadka ee dalka kenya ayaa sharci darro ku tilmaantay in badeecooyinka sigaarka iyo tubaakada lagu xayaysiiyo baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa waaxda xakameynta isticmaalka tubaakada ee wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi Dorcas Kiptui.
Sanadkii 2007-dii ayay ahayd markii Kenya laga mamnuucay in tubaakada iyo sigaarka lagu suuq geeyo warbaahinta.
Hasa ahaate Kiptui ayaa hoosta ka xarriiqday inay jiraan shirkado baraha bulshada ku xayaysiiya badeecooyinkan si ay uga iibiyaan macaamiisha in kastoo sida ay hadalka u dhigtay ay qabatin leeyihiin.
Waxay tusaale u soo qaadatay in baraha Facebook iyo Instagram ay yihiin baraha ay shirkadahan si wayn u adeegsadaan.