Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shir gudoomiyay kulan ay yeesheen golaha Wasiirada Jubbaland.

0
184

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Wasiirada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.

Dhankooda Golaha Wasiirada ayaa waxaa ay Madaxweynaha Warbixin ka siiyeen xaalada Guud ee degaannada Jubbaland, waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshahooda xiga ee xilligaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada inay dardar geliyaan Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada kunool degaannada Jubbaland.