WAR WEYN: Mustaqbalkii Sanadaha Shakigu Ku Jiray Ee Kylian Mbappe Oo U Muuqda Mid Dhinac U Dhacay

0
276
PARIS, FRANCE - MARCH 13: Kylian Mbappe of Paris Saint-Germain during the Ligue 1 Uber Eats match between Paris Saint-Germain and Girondins de Bordeaux at Parc des Princes on March 13, 2022 in Paris, France. (Photo by Tnani Badreddine/DeFodi Images via Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Da’yarka weerarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid gaadhay go’aanka mustaqbalkiisa dhaw sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Mbappe ayuu mustaqbalkiisu ahaa mid aan meel lagu hubin mudo dheer isaga oo ugu dambayn soo gaadhay kama dambaysta heshiiska uu kula jiray Paris Saint-Germain oo uu mudo dheer diidanaa inuu wax qandaraas kordhin ah u sameeyo.

Kylian ayaa lala xidhiidhinayay kooxda uu isaga qudhiisu sheegay inay tahay midiisa riyada ee Real Madrid balse warkaas ayaa u muuqda mid haatan soo dhammaaday.

Sida uu sheegayo saxafiga Talyaaniga ah ee Gianluca Di Marzio, Mbappe ayaa gaadhay go’aanka ah inuu heshiis kordhin u sameeyo PSG isaga oo ku wacad-furaya Los Blancos oo mudo dheer ka war sugayay.

Dalabka ugu dambeeyay ee ay PSG usoo bandhigtay 23 sano jirkaas ayaa u muuqda mid aan la diidi karo maaliyad ahaan iyo awooda uu kooxda ku dhex yeelanayo haddii ay noqotaba.

Heshiiska ay PSG usoo bandhigtay Mbappe ayaa ah mid uu ku noqonayo xiddiga ugu mushaharka badan dunida oo dhan isaga oo sidoo kale heli doona 100 Milyan oo euro oo xaqal-qalin ah isla marka uu heshiiska saxeexo.

Waxa intaas dheer in Kylian loo gaadhay heerka ah inuu noqdo mulkiilaha mashruuca ay PSG dhisayso isaga oo awood u yeelan doona inuu caydhiyo tababarayaasha kooxda isla markaana go’aamin kara saxeexyada kooxda la keenayo.

Haatan sida uu dhinaciisa xusayo khabiirka kubadda cagta Spain ee Guillem Balague, madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa u sheegay xiddigaha kooxdiisa inuusan Mbappe kusoo biiray kooxdooda xagaagan.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Real ay u sheegtay xiddiga French-ka ah inay abid albaabadeeda ka xidhanayso haddii uu lumiyo fursada uu gudaha xagaagan ugu soo wareegayo.