Warbixin:-Guurka deg deg ah oo saameyn ku yeeshay Ardayda waxbarashada ku jirta.

0
242

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sidaynu oganayhay guurku waa nasteexo mana aha mid ku yimaada qasab ama mid qof lagu qasbaayo qof kale oo aanu raali ka ahayn.

Iyadoo sidaa xaajadu ah ayaa waxaa mararka qaar dhacda in wax aynan labada ruux raali ka ahayn oo ah guurka deg dega ah isla markaana sababi kara dhacdooyin fool xun oo ay ugu horayso in qoyskii halkaa ku burburo.

Hadaba guurka deg dega ahi waa guurka ay kulmeen laba ruux oo aan aqoon badan isu lahayn ama waa guurka uu waalidku ilmaha usoo abaabulo isaga oo aan ilmuhu ogeyn amaba aanu raali ka ahyn.

Da’yarta ku jirta Waxbarshada ayaa saameyn xoog leh kala kulma habsami usocodka heerka waxbrasho  siiba gabdhaha marka ay lasoo daristo xaaladaha qaar kuwaas oo ugu danbeeyn ka hara sii wadida waxbarshada.

Hadaba sii an arinkan waxa uga ogaaano ayaa waxan wareysi layeelanay qaar kamid ah aqoonyahanada ku nool Magaalada Dhoobley oo an kawareysanay waxa sababa guurka deg dega ee ardayda waxbarashada kujirta siiba gabdhaha waa kuwan iyagoo ka hadlaya arinkaasi.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa