Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ganacsatada wax ku iibiya hareeraha wadooyinka magaalada dhoobley ayaa cabasho ka muujiyey gaawarida la dhigto hareeraha wadada iyagoona sheegey in ay saameyn ku yeelatey ganacsiigooda.
Ganacsatadasi ayaa sheegey in mararka qaar ay macamiishooda waayaan meel ay u soo maraan maadaama wadadii macamishooda u soo marii lahayeen gawarida lagu baakimo taasina ay dhiibato ku hayso.
Qaar kamid ah gacansatadaasi oo radio sanguuni la hadley ayaa kawarbixiyeey caqabadaha kala duwan oo ay kala kulman gawaarida lagu baakimo agagaarka goobahooda ganacsi.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay