Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanada jubbaland ayaa kamid ah meelihii sidaweyn ay abaartii baahsanayd ugu dhufatay bilooyinkii lasoo dhaafay, dad badan ayaa ku xoola beelay abaaritii aadka u darnayd ee ka dhacday guud ahaan dalkeena soomaaliya.
Hadda waxaa dalka ka curtay roobkii guga, roobka ayaa fursad siinaya dadka beeraleyda ah ee tabcada beeraha iyo waxa soo saaraka dalaga ee dalkeena.
Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee beeraha iyo wax soo saaraka ama kheyraadka dhinaca beeraha.
Webiga jubba ayaa waxa hareerahiisa ku yala beero aad u badan oo kasoo go’a dalagga noocyadisa kala duwan kuwaas oo waqtigan ay dadku isku diyaarinayaan tabcashadooda.
Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka jubbaland mudane Geele Muxumed Adan oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka soomaliyeed gaar ahan kuwa jubbaland ugu baaqay in ay ka fa’iideystaan roobka guga ee ka curtay qeybo kamid ah dalkeena soomaliya.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa