Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay Aston Villa oo ay ku booqatay garoonka Villa Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Aston Villa iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.
Daqiiqadii 3-aad kooxda martida loo ahaa ee Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Douglas Luiz.
Laakiin 6 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa la timid goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Joël Matip.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 65-aad Sadio Mané oo ay cawin kaga timid saaxiibkiis Luis Díaz ayaa wuxuu hoggaanka ciyaarta u dhiibay kooxdiisa Liverpool, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2.
Ugu dambeyntii ciyaarata ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda oo ay marti ugu noqotay garoonka Villa Park, Reds ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay wali kaga jirtaa kaalinta labaad dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, inkastoo min 86 dhibcood wada heysaataan iyaga iyo hoggaamiyaasha Man City.