Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Isku tashigu iyo Is xilqaanka waa bilawga dawladnimada waana wadada kaliya ee ay umadi ku hana qaadi karto wax wada qabsiguna waa aasaaska iyo jiritaanka bulsho.
Qaar kamid ah shacab waynaha ku dhaqan degmada afmadow ee gobolka jubada hoose oo kaashanaya maamulka dowlada hoose ee degmada afmadow ayaa si wada jir ah uga shaqeeyay qaar kamid ah wadooyinka waawayn ee magaalada.
Wadada halbawlaha ah ee isku xidhta degmada afmadow iyo dhoobley oo dadka degaanka si isku tashi ah ay caro buxin iyo dib u dacyactir uga wadaan degmada faca wayn ee afmadow ayaa laga daremayaa dhaqdhaqaq hormarineed mudoyinkii u dambeyay Waxayna bar bilaw u tahay maamul wanaaaga.
Qaar kamid ah bulshada afmadow ee hawlaha isxilqaanka sameenayay oo warbahinta la hadlay ayaa codsaday in jaaliyadaha soomaaliyeed ay ka cawiyaan dhismaha wadada oo ah halbawlaha u ah magalada oo ay gawaridu inta badan isticmalaan.
Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka degmada afmadow saalax cumar cabdi ayaa bulshada u ballan qaaday ka maamul ahaan inay mar walba garabtaaganyihiin islamarkaana si hufan ay ugu shaqenayaan.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa