“Liverpool Taariikh kuma lahan Premier League, koobka horyaalkana gacanteenna ayuu ku jiraa” – Pep Guardiola oo karbaashay Reds

0
221

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Macallinka Kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si dadban u weeraray naadiga ay ku xafiiltamayaan hanashada horyaalka Premier League, kaddib markii ay City 5-0 ku xaaqday Naadiga Newcastle United.

Guushaas ay xalay gaartay Man  City ayaa ka dhigan inay saddex dhibcood oo saafi ah ku qabtaan hogaanka horyaalka, isla markaana ay afar gool ka sarreeyaan naadiga kaalinta labaad ku jirta ee Liverpool oo kulankeedii ugu dambeeyey barbaro 1-1 la gashay Tottenham, saddex kulan oo kaliya ayaana ka harsan horyaalka Ingiriiska.

“Todobaad ka hor qof walba oo dalkaan UK jooga waxa uu taageerayay Liverpool, haddii ay ahaan lahayd warbaahinta iyo qof waliba, koobka innaga ayuu gacanteenna ku jiraa, taas ayaana muhiim ah” ayuu hadlkiisa ku bilaabay Pep Guardiola isagoo la hadlayey TV-ga beIN Sports.

“Liverpool waxay taariikh cajiib ah ku leedahay tartammada Yurub, laakiin taariikh kuma lahan Premier League sababtoo ah waxay ku guuleysteen kaliya hal jeer muddo 30 sanadood ah.”

Guardiola waxa uu sidoo kale farxad ka muujiyey inay afar gool ka sarreeyaan Liverpool, maadaama ay dhici karto in goolal lagu kala qaado horyaalka Premier League.

Man City ayaa kulankeeda soo aaddan Arbacaha la ciyaari doonta naadiga Wolves, halka Liverpool ay la ballansan tahay Talaadada kooxda Aston Villa.