Dadka ku nool Dhooblay oo si weyn ugu diyaar garoobaya tabcashada beeraha ee xilli Roobaadkan.

0
190

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar kamid ah beeralayda deegaanka dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa looga faa’iideeyay mashaariic lagu bixinayay abuurka noocyadiisa kala duwan kaas oo loogu talo galay in ay beeralayda deegaanka khudaar tayo leh soo saaraan marka ay abuurka sameyaan.

Hay’ada SAAH oo aalaaba gacansiisa Beralayda deegaanka ayaa diyar u ah in ay beeralayda ka caawiso dhamaan agabyada ay u baahanyhin. Dhanka kale Hay’ada SAAH ayaa soo kordhisay nidaam cusub oo lagu samenayo cawska qaybihiisa kala duwan isla markaana tababar u fidisay qaar kamid ah dadka beeraleyda ah ee ku nool degaanka dhobley maadaama ay abaartii dabada dheeraatay nabaad guurisay dhirta gaar ahaan cawska.

Qaar kamid ah bulshada loo tababaray nidaamka cusub ee lagu samenayo cawska qaybihiisa kala duwan ayaa lagu warejiyay agabyadii ay hawshaasi ku qaban lahaayeen si ay goobo iyaga khaas u ah ay ugu beertaan.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa