Suuqyada lagu iibiyo Qudaarta ee Magaalada Dhoobley oo laga dareemayo sare u kac ku yimid qiimaha Qudaarta

0
316

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sare U Kac Balaadhan oo Dhanka Qudaarta ah ayaa laga Dareemayaa Suuqyada Qudaarta Lagu iibiyo Magaalada dhobley islamarkaana saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa Guud ee Suuqa.

Sare U kacan ku yimid qiimaha Qudaarta Lakala siisto Suuqyada Magaalada dhobley ayaa La Dareemayey Tan iyo Bilihi ka horeeyay Bisha Ramadaan iyadoo Sare U kacan ay ganacstadu u sababeeyeen Roobkii guga oo ka Da’ay Guud ahaan Somaliya Gaar ahaan Deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo sababay jidh xiran islamarkaana Saameyn ku yeeshay ganacsatada ku iibisa Qudaarta Suuqyada Magaalada dhoobley.

Qaar kamid ah Ganacstada iibisa khudaarta ee ku dhaqan deegaanka dhoobley ayaa Radio Sanguuni faah faahin uga bixiyay sare u kacan ku yimid qiimaha qudaarta lakala siisto suuqyada magaalada dhoobely ee gobolka jubada hoose.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa