Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxa xogihii ugu dambeeyay laga helayaa xaalada dhaawaca daafaca dhexe ee Real Madrid ee David Alaba kahor kulanka aadka muhiimka u ah ee ay habeen dambe ku qaabilayaan Manchester City gegida Santiago Bernabeu.
Labada kooxood ayaa toddobaad kahor kusoo kulmay magaalada Manchester iyadoo kooxda difaacanaysa Premier League ay guul 4-3 ah ka gaadhay dhigeeda Sabtidii kusoo guuleysatay horyaalka La Liga.
War aan u fiicnayn taageerayaasha Los Blancos ee guusha soo laabashada ah rajaynaya habeen dambe ayaa ah in Alaba ay wararka oo dhammi sheegayaan inay u badantahay inuu seego kulankaas.
Il-wareedka Deportivo Carrusel ayaa sheegay in David uu shalay tababarka Real Madrid isagu kaligii gaar u qaatay isla markaana ay tahay wax aan macquul ahayn inuu diyaar u noqdo ciyaarta habeen dambe.