Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Haweeney bilowday inay oroddo kaddib markii ay lugteeda ku waysay cudurka Kansarka ayaa waxa ay ka gudubtay rikoorka maaradoonnada xiriirka ah ee ugu badan ee ka diiwaangashan Guinness World Record.
Jacky Hunt-Broersma, oo 46-jir ah, ayaa maalinkasta ordaysay 26.2-mayl tan iyo bartamihii bishii Janaayo, iyadoo caadiyan ku orodda qiyaastii 5 saacadood.
Sabtidii, waxa ay soo afjartay orodkeedii isxigxigay ee 104-aad – guushaas oo ay filayso inuu meelmariyo Guinness World Records.
Afhayeen u hadlay haweenkaasi ayaa sheegay in la meelmariyo rikoorkan ay suuragal tahay inay qaadato ku dhawaad saddex bilood.
Markii ay soo kacday Axaddii – oo aheyd maalin ay fasax aheyd muddo dheer oo shaqo ah kaddib – ayey Jacky ka warrantay waxa ay soo martay.
“Qeyb ka mid ah jirkayga aad ayuu ugu faraxsanaa inaan dhammaystiray orodka,” ayey u sheegtay BBCda iyadoo ku sugan gurigeeda ku yaal gobolka Arizona. “Qeybta kale ee jirkayga ayaan ka dareemayay inaan sii wado orodka.”
Jirkeeda ayaa sidoo kale ka soo kabsanaya tacabkii ay ka martay dedaalkii ay ku bixisay rikoorka ay doonaysay inay dhigto, walow ay haatan joojisay si waddida orodkaas. “Waxaan dareemayaa caafimaad taam ah oo ka wanaagsan kii 104-ta maalmood ee aan waday orodka,” ayey qirtay.
Hasayeeshee Jacky – oo ku dhalatay kuna soo kortay Koonfur Afrika, sidoo kalana ku noolaan jirtay England iyo Netherlands ayaa aad ugu faraxsan heerka ay gaartay, sababtoo ah orodka ayaa waxa ay ka heshay kalsooni ay ka cabsanaysay in aanay weligeed dib u heli doonin.
Marka Jacky – oo ah hooyo dhashay laba carruur ah ayaa bilowday orodka iyadoo maanka ku haysa rikoorka, iyadoo xaqiijinaysay inay marwalba orodo masaafada maraadoonka.
Jacky ayaa orodkeeda ayaa waxa ay ku diiwaangelin jirtay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan, ayaa waxaa layaab laheyd in aanay dhaawacmin intii ay orodka wadday. Dhab ahaantii Jacky ayaa haatan ku taamaysa in orodka ay xilli hore bilaabi laheyd.