Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday in berri aysan aheyn Ciid

0
204

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-iyadaa aan maanta la arag Bisha Shawaal ee Sanadkan 1443, ayaa Dowladda Sucuudigu ku dhawaaqday in la ciidi doono maalinta Isniintaa, May 2, 2022

Bisha Ramadaan Sanadkaan 1443 waxaa la dhameysan doonaa 30 maalmood.

Dowladda Sacuudiga ayaa u xil saartay Khuburo gaar ah raadinta bisha, waxaana ugu dambeyntii ay shaaciyeen in berri aysan Ciid aheyn.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay wali raadinta bisha,islamarkaana haddii ay aragto ay lasoo wadaagi doonto dadweynaha.